Dowladda Kenya oo ka caawinaysa Somaliland tayeynta waxbarashada

0

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, iyo wasiirka waxbarashad Kenya George Magoha, , ayaa kulan ay qaateen kaga wada hadley sidii loo kordhin lahaa, iskaashiga ka dhaxeeya labadda dhinac.

Toorno, ayaa tilmaamey in safarkiisa ujeedooyin kala duwan xambaarsan yahay, isagoo sheegay tan koowaad iney tahay wada xaajood ay la yeelanayaan hey’adaha deeqda waxbarasho siiya.

Dhanka kale wasiirka waxbarashada Somaliland, carabka ku dhuftey iney doonayaan in xiriirka waxbarasho ee Kenya ay la leeyihiin iney doonayaan iney balaariyaan.

Sidoo kale wuxuu intaa raaciyey iney si gaar ah u daneynayaan in laga kaalmeeyo jaamacadaha Somaliland tayeynta waxbarashada, cilmi baarista iyo farsamada gacanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here