Kenya oo shaaca ka qaaday inay howlgal ku dishay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka dowladda Kenya oo howlgal ka waday halkaasi iyo xoogag Al-Shabaab ay isku dhaceen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas ay ku dileen ugu yaraan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa ay Kenya sheegtay in ay Al-Shabaab ka  soo furatay hub ay ka mid ahaayeen baasuukayaal iyo walxaha qarxa oo ay wateen xubnaha ay la dagaalameen.

“Howlgalkii looga sifeynayay kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolka waxaa fuliyay kooxdeena hay’adaha kala duwan ah…waxana ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 10 ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta ah, waxana ay soo furteen hubkii ay weerarka kusoo qaadeen,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka Kenya oo u warramaya Wakaalada Reuters.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana ku sugan ciidamada difaaca Kenya oo weli halkaas ka wada dhaq-dhaqaaqyo culus.

Dhanka kale ma jiro wax hadal oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan guulaha ay Kenya ka sheegatay dagaalka ay kula galeen bariga dalkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Si kastaba toddobaadkii hore ayey aheyd markii Al-shabaab ay dishay afar ka mid ahaa shaqaalaha maamulka waddooyinka waaweyn ee Kenya, ka dagaal markii qarax miino lala eegtay baabuur ay wateen oo marayey waddo ku taalla degmada Gaarisa ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here