Kenya oo shaacisay inay dib u fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0

NAIROBI (SMN) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dhowaan fureyso xuduuda dheer ee ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd bilihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa ku dhowaaqay dib u furista xadka, wuxuuna sheegay in lagu horreysiin doono magaalada Mandera oo laga geli doono wadanka Kenya.

Sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa diyaariyay qorshaha lagu furayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Si kastaba, labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadihii u dambeeyey waxaa u dhexeeyey khilaaf xoogan oo hoos u dhigay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here