Kenya oo shaacisay inay howlgal ku dishay 12 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

NAIROBI (SMN) – Ciidanka Kenya ayaa sheegay inay degaan hoostaga degmada Garissa ay ku dileen 12 dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab kadib howlgal ay fuliyeen shalay.

 

War kasoo baxay taliska Ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in howlgalka lagu beegsaday goob xero u ahayd xubnaha Al-Shabaab ee gobolka Waqooyiga Bari.

Waxaa sidoo kale howlgalka lagu qabtay hub isagu jira qoryaha fudud, PKM, hal bambo iyo rasaa badan, sida ku xusan war saxaafadeedka militeriga Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa nolosha ku qabtay mid kamid ah dagaalayahanada, halka tobonaan kale ay ka baxsadeen goobta uu howlgalka ka dhacay, iyagoo usoo gudbay xadka Soomaaliya.

Kenya ayaa kordhisay mudooyinkii dambe howlgallada amaanka xuduuda ku adkaynayso, waxaana ay dagaal kula jirtaa xubnaha Al-Shabaab ee weerarada ka fuliya gudaha dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here