Kenya oo sheegtay inay baabi’in doonto derbiga laga dhisay xadka Soomaaliya

0

NAIROBI (SMN) – Darbiga ay Kenya ka dhistay xadka Soomaaliya xiligii uu madaxweynaha ka ahaa Uhuru Kenyatta si Al-Shabaab looga ilaaliyo ayaa la burburinayaa, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka gaashaandhiga Aden Duale, oo kamid ah maamulka cusub ee William Ruto.

Derbigaasi oo gaaraya 700KM waxa uu Aadan Ducaale u arkay mid qadiimi ah oo aan faa’iido lahayn. Wasiirka oo shalay wareysi siiyay Wargeyska Daily Nation, ayaa ka hadlay qorshayaashiisa uu ku hagaajinayo amniga xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo loo samaynayo nidaam cusub oo heer sare ah.
“Anagoo kaashanayna Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada kale, waxaan hagaajineynaa oo aan casriyeyneynaa habka amniga xuduudaha si aan u furno meelo nabdoon oo la isaga gudbo.” ayuu yiri Aadan Ducaale.

Wasaaradda gaashaandhigga, sida uu sheegay Aadan Ducaale, waxay rakibi doontaa qalab cusub oo xadka amnigiisa lagu ilaaliyo, iyadoo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaadan doonto qorshahaas.

Kenya ayaa xadka ay la wadaagto Soomaaliya uga gudbay weeraro badan oo Al-Shabaab ka fulusay gudaha dalkaasi, tan iyo markii ay Ciidankeeda soo galeen dalka 2011. Weerarada ka dhacay Kenya waxaa ugu waaweynaa kuwii West-Gate, Jaamacadda Garissa iyo Dusit D Hotel oo boqolaal lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here