Kenya oo sheegtay inay qabatay nin Al-Shabaab u fududeeya weerarada

0

NAIROBI (SMN) – Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan nin looga shakisan yahay Al-Shabaab oo qorsheynayay inuu weeraro ka geysto gobolka xeebta ah ee Lamu.

Booliska ayaa intaas ku daray in Mustafa Khalib Muxumed oo ka mid ah dadka ku nool gobolka Tana River uu xog xasaasi ah siiyay Al-Shabaab si uu ugu fududeeyo weeraro ay ka fuliyaan gobollada waqooyi bari, Tana River iyo Lamu.

“Khalib waxaa sidoo kale loo igmaday in uu ka warbixiyo howlgallada amni ee Waqooyi Bari iyo Lamu ka socda, si loogu fududeeyo Al-Shabaab weerarrada qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ee ka dhanka ah ciidamada ammaanka Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha ammaanka Kenya.

Lamu ayaa laf dhabar u ah dalxiiska dalka Kenya ka jira, iyadoo cabsida weerarada Al-Shabaab u xirmeen huteellada iyo goobaha kala ee dalxiiska, kadib markii dadka ajaabiinta ay diideen inay tagaan.

Kenya ayaa ka dhacay weeraro badan oo Al-Shabaab ka dambeysay tan iyo markii Ciidankeeda ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011, kuwaasoo 2012 ku biiray howlgalka Midowga Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here