Kenya oo shidaal baaris ka billowday xuduud badeedka ay la wadaagto Somalia

0

NAIROBI (SMN) – Dowladda Kenya ayaa shidaal baaris ka bilaawday Lamu Basin, kadib markii Maxkamada ICJ go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay Dowladda Kenya, balse lahaanshiyaha Badda loo xukmiyay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Batroolka James Nganga ayaa waxuu sheegay in shirkad lagu magacaabo Kenyan Business Venture (BV) markii horana loo yaqaanay Agi ay shidaal qodis ka bilaawday ceelka Mlima-1 ama Block L11B.

Tani waxay daba socotaa, kadib sahan la sameeyay oo lagu ogaaday in shidaal uu ku jiro halka haatan qodistu ay ku socoto.

Shirkada BV ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in natiijo wax ku ool ah ay ka keeni doonaan ceelka muddo labo bil gudahood.

Guddoomiye James Nganga  ayaa xusay in ay socon doonaan sahanka la xiriira shidaalka inta ay ka helayaan warbixino dhab ah oo ku saabsan ceelka haatan laga qado shidaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaasi ku daray in natiijada saxda ay soo bixi doonto muddo lixdan maalmood gudahood.

Tan iyo bishii April ee sannadkii hore, Kenya waxa ay samaynaysay khariidadda kaydka ku qeexan halka uu shidaalka kaga jiro Lamu Basin inkastoo Maxkamada ICJ ay lahaanshiyaha Badda u xukmiyay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here