Kenya oo xalay duqeyn diyaaradeed ka fulisay gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn xoogan ka geysteen gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq, gaar ahaan deegaanada Warbeele, Buralaha Samaroole iyo Golgola Cali.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarkan dhanka cirka ah uu khasaare kasoo saaray dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Kenya ayaa inta badan duqeymo dhanka cirka ah ka fulisa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka howl-galaan ciidamadeeda ku jira AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here