Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Wanlaweyn oo kordhay

0

WANLAWEYN (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo isku heysto dhul beereed ku yaallo halkaasi, waxaana ku dhintay illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka & maaliyadda degmada Wanlaweyn Mudane Cabdiqani Maxamed Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna baaq u diray beelaha dagaalamaya, si loo qaboojiyo xiisadda haatan ka soo cusboonaatay halkaasi.

Halkan hoose ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here