Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Galgaduud oo sii kordhay

0

DHUUSAMAREEB (SMN)Gaashaanle Sare Cabdulqadir Maxamed Gasaawe oo ahaa taliyihii howlgalinta guutada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii shalay deegaanka Cadakibir ku dhex maray xoogaga Al-shabaab iyo ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda oo is-kaashanayay.

Taliye Casaawe ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka magaalada Cadaado oo dhaawiciisa lagula tacaalayay illaa xalay.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale, kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo dagaalyahanada Al-shabaab ay ku suganaayeen.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday deegaanka Baxdo oo u dhow Cadakibir, halkaas oo dadka deegaanku ay sheegeen inay gaarsiiyeen jab xoog leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here