Khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay gobolka Hiiraan oo kordhay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ka geysteen duleedka Beledweyne.

Weerarkaan oo lagu gubay illaa 7 gaari ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay illaa 20 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurta la gubay.

Xidlhibaan Maxamed Cabduqaadir oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana ka soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi.

“Al-Shabaab gaadiid ayey kala dageen dadkii saarnaa 20 qof ayey toogteen 5 dumar ahna nolosha ayey ku wateen”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here