Khasaaraha qarixii shalay ka dhacay deegaanada Gololey oo sii kordhay

0

Waxaa korortay, tirada dhimashada ee uu sababay qaraxii shalay ka dhacay degaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida ay sheegeen saraakiish caafimaadka magaalada Jowhar.

Tirada dhimashada ayaa gaartay iminka il;aa 20 ruux oo kamid ah dadkii shacabka ahaa ee shalay gaariga ay saarneeyeen miino ku haleeshay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Wararka saaka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in si weyn looga dareemayo dhibaatadii ka dhalatay qaraxii shalay ay ku la’deen shacabka musaafurka ahaa.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in dadka u dhintay dhaawacyadii soo gaaray ay waayeen daryeel caafimaad oo deg deg ah isla markaana intii waddada ku jireen oo isbitaalka loo waday aad u dhiig baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here