Khilaaf ka taagan Gaalkacyo oo sababay inuu xirmo mid kamid ah iskuulada magaaladaasi

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu cirka isku sii shareerayo khilaafka haatan ka taagan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi, kaas oo sidoo kale saameeyay dhaq-dhaqaaqa mid ka mid ah iskuulada ku yaalla halkaasi.

Khilaafka ayaa salka ku hayo xarunta iskuulka Yamays oo ah mid dan-guud ah, taas oo ay muran-geliyeen rag ganacsato ah, waxaana gebi ahaan xirmay iskuulkaasi.

Sidoo kalena waxaa la xiray maamulaha iskuulka oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabduqaadir Xoday oo maalintii 4-aad xiran taas oo uga sii dartay khilaafka taagan.

Sheekh Cali Cabduqaadir oo ka mid ah guddiga xal raadinta ee khilaafkaasi ayaa Shabelle uga waramay sida ay wax yihiin, wuxuuna beeniyay in maleeshiyaad ay la geeyay iskuulka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in illaa 1500 oo arday ah ay saameysay arrintaan, wuxuuna farriin u diray hoggaanka sare ee Punland iyo dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay inay soo farageliyaan khilaafkaasi, si wax looga qabto dooda ka taagan iskuulkaas.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here