Koonfur Galbeed oo bilaabeyso baaris ku aadan dhacdadii magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan baaris ku aadan dagaalkii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Lafta Gareen oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadaasi ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falkaasi.

Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in xilligaan uu dhiig ku dhex daato magaalada Baydhabo, isaga oo sheegay in muddo fog ay ilaalinayeen xasiloonida magaaladaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intaasi ku daray in hadddii dagaal la galayo ay mudan tahay in lala diriro Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi.

Xaaladda guud ee magaalada Baydhabo ayaa saaka deggan, balse waxaa weli ka muuqda raadka dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaaladaas oo xarun u ah gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here