Koonfur Galbeed oo guul ka sheegatay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee duleedka magaalada Baydhabo.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ay Al-Shabaab ka gubtay gaadiid dagaal, kadib weerar ay dagaalyahanadeeda ku soo qaadeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan u diyaar garoobeyso duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabaya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here