Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada lix kursi

0

BAYDHABO (SMN) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Baydhabo.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in kowda bisha Maarso la guda-galayo xareynta ergada iyo guddiyada, si loo siiyo tababaro ku saabsan doorashada.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in labada Maarso la bilaabayo diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah, kadibna saddexda bisha la qaban doono doorashada lixda kursi, kuwaas oo kala ah:- Hop#275, Hop#230, Hop#183,  Hop#178, Hop#050 iyo  Hop#253.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here