Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska kuraas lagu dooranayo degmada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay liiska doorashada 13 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Baraawe.

Qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa wxaa lagu sheegay in doorashada kuraastaas la qaban doono maalmaha soo socda.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah:-HOP#016, HOP#044, HOP#155, HOP#150, HOP#151, HOP#152, HOP#153, HOP#160, HOP#161, HOP#250, HOP#080, HOP#165 iyo HOP#173.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dhaqan-geliya qodobka deegaan doorashada labaad oo muhiim u ah heshiiska doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here