Koox hubeysan oo dhaqtar caan ahaa ku dishay Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho goordhow degmada Hodan loogu geystay Allaha u naxariistee Dr Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ah ee Soomaaliyeed.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dhaqtarka oo hor-fadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday ay ku dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Dr Buurane ayaa caan ku ahaa daaweynta xanuunada ku dhaca maqaarka , wuxuuna muddo ka badan 30 sano ka howl-galayey gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda Albaraka ee degmada Hodan.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay toogashada loo geystay marxuum Dr Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here