Guddoomiye ku xigeenka BF Soomaaliya walaalkiis oo lagu dilay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta kooxo ku hubeysnaa bistoolado ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, oo la dhashay guddddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey weeraro kala duwan oo ay ku jiraan qaraxyo, kuwaas oo ay khasaare ka soo gaareen dad badan shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here