Kooxo burcad ah oo markale lagu qabtay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

Ciidamada ammaanka ee degmada Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo burcad ah oo dhac geysanayey, kadib howl-gallo ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gudaha degmadaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Booliska iyo maamulka degmada, waxaana lagu soo qabtay rag burcad ah oo watay Mooto Bajaaj iyo Qoray AK47 ah.

Ragga la soo qabtay oo labo ah ayaa waxaa la sheegay in xilliga gacanta lagu soo dhigayey ay dhacb u geysanayeen bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Maamulka degmada Kaaraan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay haweeney la sheegay inay ilmo yar kasoo xaday magaalada Jowhar, taas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga, waxaana u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan kooxo kala duwan oo dhac ka waday gudaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here