Kooxo ciyaal weero ah oo xalay dil ka geysatay degmada Kaaraan

0

MUQDISHO (SMN) – Koox ciyaal weero ah ayaa xalay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee Mowliid Macallin Cabdullahi oo ahaa wadaad xirow oo Diinta barta.

 

Falkaan ayaa dhacay salaaddii maqrib kadib, waxaana la sheegay in kooxdan ay dhowr mindi ku dhufteen wadaadka, taasina ay keentay in uu isla goobta ku geeriyoodo.

Ehellada marxuumka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in kooxdaan ay dileen Mowliid, xilli uu ka soo baxay salaaddii Maqrib, kuna sii jeeday gurigiisa.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan kooxaha ciyaal weerada ayaa dhibaatooyin ka geysta gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u u soo kordhayay maalmihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here