Kooxo hubeysan oo dil ka geystay duleedka magaalada Baydhabo

0

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay Macalin Cali Bashiir Xasan oo Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, balse deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Imaamka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala dilay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bashiir Xasan, iyada falkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo, balse baxsaday.

Allaha u naxariistee Marxuum Macalin Bashiir ayaa dhowaan ka tegay Boosaaso, isaga oo ku dhowaad 21 sano ka ahaa Imaam, wuxuuna hadda Mu’adin iyo Imaamba ka ahaa masjidka weyn ee Al-Nawaawi ee ku yaalla magaaladaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay wadaadkaasi iyo walaalkiisa oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here