Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Beledweyne

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayey askariga uu saarnaa mooto Bajaaj, isla-markaana ay mar qura rasaas ku fureen dableyda hubeysan ‘oo horey uga sii qaatay qoray AK47 ah’ oo uu watay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goor dambe tegay meesha uu dilka ka dhacay, waxaana ay ka sameeyeen howl-gallo lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey dilka.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ay ka mid tahay meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here