Nabadoon caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay, Nabadoon Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay marxuumka ku dhex-dileen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale meydka marxuumka ayaa waxaa goor dambe loo soo qaaday xarunta CID-da, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka dalka.

Nabadoonka ayaa la sheegay in xilliga la dilayey uu aqrisanayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimadda, oo ay haatan howl-galo balaaran ka bilaabeen ciidanka Booliiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here