Kooxo hubeysan oo guddoomiye waaxeed ku dilay degmada Garbahaarey

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dil qorsheysan ka geysteen duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Dilka ayaa waxaa loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa mamaulka degmadaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Sheekh.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayey ku sugnaa gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Xaashiweer ee duleedka magaalada Garbahaarey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo howlgallo ka sameeyay xaafadda uu dilku ka dhacay.

Gobolka Gedo ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu dilay taliyihii NISA ee gobolkaasi, Marxuum Bakaal Kooke oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxeyso degmooyinka Luuq iyo Doolow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here