Kooxo hubeysan oo saaka haweeney ku dilay magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa saaka aroortii hore haweeney la shaqeyneysay maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen qeybo ka mid ah gudaha degmadaasi.

Haweeneyda oo magaceeda lagu soo koobay Suldaano ayaa la sheegay inay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey dilkeeda oo ku hubeysnaa bistoolado ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku toogteen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here