Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa lagu soo warramayaa inay xalay dil ka geysteen xaafadda NBC oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Allaha u Naxariistee Nabadoon Yuusuf Daahir Kheyre oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed.

Nabadoonka ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka mid aha odayaasha dhaqanka ee wax kasoo xulay ergadii dhowaan soo dooratay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goor dambe halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here