Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka oo lagu dilay Muqdisho

0

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Yarami waxaana lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, xilli uu kusii jeeday hoygiisa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey toogashada ay goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan toogashada loo geystay sarkaalkaasi dhalinyarada ahaa.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey dilal qorsheysan iyo sidoo kale qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here