Kooxo hubeysan oo xalay Nabadoon caan ahaa ku dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysnaa oo xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysan bistoolado ayaa waxaa loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faniinte oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada dalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey howlgallo lagu baadi goobayo kooxda dilka fulisay.

Waa Nabadoonkii labaad oo Muqdisho lagu dilayo, iyada oo habeen hore xaafadda Juungal lagu toogtay Sheekh Salaad Ciise oo isna ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan gobolka Banaadir ay howlgallo ka wadaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Hay’adda Nabad Sugidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here