Kooxo hubeysan oo xalay siyaasi caan ahaa ku dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubeysan xalay ka geysteen Waaxda Tima Cadde oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay siyaasi lagu magacaabi jiray Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye oo ku magac dheeraa (Guuleyste), waxaana dilka geystay rag ku hubeysnaa Bistoolado oo goobta isaga baxsaday, kadib dhacdadaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jiro wax hadal ah oo ay kasoo saareen falkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here