Dad badan oo ku sumoobay raashin ay ka cuneen maqaayad ku taalla S/Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo deegaanka Biya Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 50 qof oo shacab ahaa ay ku sumoobeen cunto ay ka cuneen maqaayad ku taalla deegaankaasi.

Dadkaan oo isugu jiro carruur, haween iyo dhalinyaro ayaa la sheegay in haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaal ku yaalla gudaha deegankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar ka mid ah dadka ay xaaladdooda liidato loo soo gudbiyay dhanka magaalada Muqdisho, si gurmad caafimaad loogu fidiyo.

Saraakiisha ammaanka ee deegaanka oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay wadaan baaris dheeraad ah oo ku aadan waxa sababay in dadkaas la sumeeyo.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa maalmihii dambe soo badanayey, ayada oo deegaano kala duwan laga soo wariyey dad ku sumoobay raashin ama caano ay cabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here