Kulan looga hadlay arrimaha dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

0

Kulankaan oo loo qabtay qeybaha bulshada ,waxaa looga hadlay hubinta iyo taageerada ansixinta Dastuurka cusub ee joogtada ah ee Soomaaliya kaas oo muddo 3-cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Kulankaasi waxaa laga soo saaray , baaq ku aadan in la hubiyo,lana tixgeliyo aragtida dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo dadka naafada ah, marka la dhammaystiro dukumintiga .

“Waxaan ku rajo weynahay in marka ay dhammaadaan doorashooyinka qaranku, uu jiri doono hal madal qaran oo dib u eegis lagu sameeyo dhammaan falcelintii la helay.

Waa in madaxdu isku timaado oo ay isku raacaan si geedi -socodka dib -u -eegista dastuurka loo dhammaystiro, ”ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here