Kulan looga hadlayey ilaalinta qoondada Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee XF Soomaaliya Marwo, Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa xalay kulan la yeelatay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya,  guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka, kan gobolka, Ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashada soo socota, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu xusay in marwaliba diyaar u yahay sidii u ilaalin lahaa Qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa qeyb ka ah ololaha Wasaaradda Haweenka ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa qoonddada, Wasiirka waxay la kulantay Madaxweyniyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland waxayna ku adkeysay dhammaan mas’uuliyiintan in ay haweenka ugu garab istaagaan sidii u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here