Kulankii labada Aqal ee BF Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo sababta ka dambeysa

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa dib loo dhigay kulanka maanta ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib qoraal kooban oo ay soo saareen gudddoonka labada Gole.

Kulanka wadajirka ee maanta ayaa ajendihiisa wuxuu ahaa akhrinta 1-aad ee miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023, balse kulanka ayaa dib loo dhigay.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ma shaacin sababta, balse wuxuu sheegay inuu dib kasoo sheegi doono xilliga uu dhacayo kulanka.

Baaqashada kulankan ayaa loo sababeynayaa inay la xiriirto howlgalka weli ka socdo hoteelka Villa Rosa oo ay xalay weerar ku galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada Soomaaliya oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here