Kulankii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa markale kooram la’aan u baaqday kulan ay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulanka soo xirtay, kadib markii ay imaan waayeen inta badan Xildhibaanada Golaha.

Sacdiya ayaa sidoo kale sheegtay in guddoonka sare uu ku maqan yahay gobolka Bakool, xildhibaano badana ay raaceen, taas oo ay u sababeysay kooram la’aanta Baarlamaanka.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna nasiib darro ku tilmaameen inuu baaqdo kulankii labaad ee Golaha.

“Waa nasiib darro in kulankii Golaha Shacabka uu u baaqdo kooram la’aan” ayey tiri Xildhibaan Caasho Koos.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa dhankiisa ku baaqay in tallaabo adag laga qaado Xildhibaanada ka maqan fadhiga Baarlamaanka ee haddana joogo dalka.

“Waa in Xildhibaanada fadhiga ka maqan jeebkooda ay ka arkaan, waana nasiib darro in maalintii labaad uu kooram la’aan u baaqdo fadhigii Baarlamaanka” ayuu yiri Macalimuu

Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo la hadashay Wariyeyaasha tegay Baarlamaanka ayaa sheegtay in ay jiraan Xildhibaano yimid xarunta, balse aan saxiixin buugga.

“Xildhibaano ayaa yimid fadhiga wayna diideen in buuga ay saxiixaan, kuwana magaalka ayey iska joogaan” ayey iyaduna ku dooday Xildhibaan Rowdo.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii uu sidan oo kale u baaqday kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan Xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here