Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo kooram la’aan u baaqday

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan a xildhibaamnada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay guddoomiya ku xigeenka labaada ee Golahaasi, Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa iska soo xiray kulanka, markii uu buuxsami waayey kooramka loogu talagalay inuu ku furmo kulanka Baalamaanka Soomaaliya.

Abshirow ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan daruufo adag oo haysto xildhibaanmada, sida baaritaanada la marsiiyo iyo amniga Muqdisho, balse wuxuu ka codsaday xildhibaanada inay soo xaadiraan xilli hore, si looga doodo shuruuucda kala duwan ee u taallo Golaha.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here