Kulankii maanta ee xildhibaanada BF Soomaaliya oo dib u dhacay + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta la filayey in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan magaalada Muqdisho, balse waxaa dib u dhigay arrimo farsamo.

Kulankan ayaa qorshuhu ahaa in xildhibaanada lagu horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban Mudane Xamza Cabdi Barre, si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Xamza ayaa maalmihii u dambeeyey kulamo lalahaa xildhibaanada baarlamaanka oo uu ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu usoo dhiso xukuumaddiisa cusub.

Baaqashada kulankan ayaa kusoo aadeyso iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here