Kuraas ka mid ah Golaha Aqalka Sare oo lagu doortay magaalada Baydhabo

0

Magaalada Baydhaba waxaa goordhaw ka bilaabatay doorashada seddax ka mid ah kuraasta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Kursiga 1-aad waxaa ku tartamay wasiirka gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi, waxaana ku guuleystay Wasiirka.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku soo baxay 74 cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 14-cod. Waxaa xumaaday saddex 3 cod.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay  codad gaaraya 68 cod, halka Cabdikadir Cali Axmed oo la tartamayey uu heley 22 cod.

Kursiga saddexaad ayaa waxaa ku soo baxay Cabdiweli Maxamed Ibrahim oo helay  68 cod, waana senatarkii ugu dambeeyey xubnaha ka imaanaya maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here