Laamaha ammaanka Galmudug oo la faray xoojinta amniga + Sawirro

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir Guddomiyay shirkii Amniga Galmudug

Kulanka oo ay ka so qayb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga, Nabadsugidda, Booliska iyo AMISOM ayaa diiradda lagu saaray adkeynta Amniga guud ee deegaannada Galmudug

Inta u shirkaan socday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa uu saraakiisha Ciidamada faray in ay laba jibaaran howlgallada ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sido kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Galmudug ayaa lamaha Amniga faray in sare lo qaado Nabadgelyada magaaloyinka Galmudug xili lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here