Labo wiil oo walaal ahaa oo walaalkood uu ku dilay Mareykanka

0

Labo wiil oo xuffaad ah oo  walaalo isla markaana Taraawiixda ka dujin jiray masjidka Al-Taqwa ee magaalada Kansas City, ee gobolka Missouri ayaa lagu dilay gurigooda hortiisa xilli ay ka baxeen masjidka.

Dilka wiilashaan ayaa waxaa geystay walaalkood ka weyn kaasi oo dilkooda u adeegsaday qori isla markaana ku sugayay meel aan ka fogeyn albaabka guriga,rasaasta waxaa ka fakaday wiil 3aad oo la socday.

Sheekh Mustaf Sheekh Abdirahman imaamka masjidka Al-Taqwa oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey dilka wiilasha uu dhacay xilli ay ka baxeen masjidka isla markaana ay aheyd mid argagax badan ku reebtay Soomaalida.

Ciidanka Booliska Magaaladaasi ayaa toogtay wiilka dilka geystay xilli uu isku dayay in uu rasaas ku furo booliska oo doonayay in ay qabtaan halkaasina uu ku geeriyooday.

Wiilasha walaalaha ee uu dilay walaalkood ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdiwaxiid Cabdicasiis iyo Cabdiraxmaan Cabdicasiis halka wiilka dilka geystay oo ay toogteen ciidanka Booliska lagu magacaabi jiray Hanad Cabdicasiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here