Lafa Gareen oo kulan la qaatay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan la qaatay Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT)

Lafta Gareen ayaa Gudiga uga Mahadceliyey Dadaalka ay ku bixiyeen qabashada Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dhammeytira doorashada Golaha Shacabka, waxaana ku xigay Galmudug iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here