Lafta Gareen iyo Aadan Madoobe oo ka shiraya xaaladda Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo shalay gaaray Baydhabo ayaa wadahadallo ku leh magaaladaasi.

Labada mas’uul ayaa ka arrinsan doono xaaladda siyaasadeed ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in wadahadalladan lagu soo qaadi doono shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo uu horey u iclaamiyay Aadan Madoobe.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse wadahadalladani ayaa qayb ka noqonayo dadaallada uu wado guddoomiyaha Baarlamaanka oo horey u booqday degmada Xudur.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa marxalad adag, kadib muran ka dhashay doorashada ku soo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu ka dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta Gareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here