Lafta Gareen oo dhammeystiray liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo dhameystiray liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ka imaanaya deegaanada maamulkaas.

Lafta-gareen ayaa shaaciyey magacyada lix musharax oo ku tartami doona saddex kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, waxayna kala yihiin oo ay isugu aadeen sidan:-

1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed
3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed

Doorashada musharaxiintan ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacdo maalinta berri oo taariikhda ku beegan tahay 15-ka bishaan Agoosto 2021, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Koomfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here