Lafta Gareen oo howl-gal wado furis ah uga dhawaaqay degmada Waajid

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan maamulka Koonfur Galbeed uu dib isugu furayo wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Waajid iyo Baydhabo oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabi doonaan gobolladaasi.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad Koonfur Galbeed, waxaana ay ka fulisaa weeraro khasaare geysta oo inta badan lagu beegsado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here