Lafta Gareen oo la kulmay hay’adaha garsoorka K/Galbeed + Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda kulan kula qaatay Hay”addaha kala duwan ee Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo warbixin guud looga dhagaystay sida ay ugu shaqeeyaan bulshada reer koonfur galbeed waxaa shirka qeyb ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare koonfur galbeed Mudane Dr Axmed Cali Muuse iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda cadaaladda Kgs Mudane Cabduwahaab Cabduulahi iyo dhamaan Hay”addaha Garsoorka Koonfur galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa kulankan is xogwareysiga ku amaanay labadii sano ee ugu dambeysay adeegyada garsoorka iyo sida ay u qaataan go’aamadda dhabta ah, Sidoo kale wuxuu madaxweynaha uu la wadaagay in sida ugu dhaqsiyaha badan laga hirgelin doono garsooryaasha degmooyinka dhiman si bulshada ay u haleen adeeg garsoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay”addaha Garsoorka kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada reer koonfur galbeed loogu cadaalad fali lahaa ayna cadaalad dhab u helaan taas oo ay sababeyso in bulshada ay ku dhiiradaan garsooorka.
DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here