Lafta Gareen oo qaabilay wafdi ka socda beesha caalamka + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey wakiilka gaarka ah   xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amb James Swan, sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.

Lafta Gareen iyo saaxibada beesha caalamka ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Amb James Swan oo kulanka ka hadlay ayaa Lafta Gareen ku amaanay kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado khilaafka madaxda ugu sarreysa dalka, si loo helo xasilooni siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here