Madaxweyne Lafta Gareen oo tababar u soo xiray ciidamo cusub + Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa maanta ka qeyb galay tababar loo soo xirey cutubkii afaraad ee ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyadoo ay tababarka bixinayeen saraakiisha AMISOM gaar ahaan qeybta Saddexaad (Secter Three).

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa munaasabadda ku soo bandhigay xirfado kala duwan oo ay ku qaateen tababarka, waxayna ciidankan qeyb ka noqon doonaan xoojinta amniga deegaanada Koonfur galbeed.

Madaxweyyne Lafta-gareen ayaa ciidamada tababarta qaatay ugu hambalyeeyay nasiibka ay u yeesheen in ay ka mid noqdaan ciidamada amniga K/galbeed, wuxuuna sidoo kale u mahad celiyay madaxweynaha Saraakiisha AMISOM ee tababarka bixinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here