Cabdicasiis Lafta Gareen oo war kasoo saaray booqashadiisa Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada
Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen
Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta
Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-
galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood isla
qaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:

waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud
ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad
degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay
ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga:

In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka Al-Shabaab yo isweydaarsiga xogaha amniga.

3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:

Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab
wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada
Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha,
Xoolaha yo Kaluumeysiga.

4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka

Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta
hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah
Dowladda Federaalka & DFS.

5. Doorashooyinka:

Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in gabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo
badbaadada dalka.

DHAMMAAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here