Maamulka Balcad oo beeniyay inay isbaarooyin yaallaan duleedka degmadaasi

0

BALCAD (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee degmadaasi.

Ugu horreyn Qaasim ayaa beeniyay in isbaarooyin lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ay yaalaan duleedka degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hal koontarool oo lagu qaado canshuuraha dowlad goboleedka HirShabelle uu yaallo degmada Balcad, isla-markaana uu yahay mid sharci ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dhaqan-geliyeen go’aankii kasoo baxay madaxweynaha, isla-markaana ay qaadeen dhammaan jidgooyooyinkii yiilay halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii Balcad lagu dilay mid ka mid ahaa darawalada ka shaqeeya gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, walow gacanta lagu soo dhigay askarigii geystay falkaas oo ay dil ku xukuntay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here