Maamulka deegaanka Dhabad oo ka hadlay carruur lagu dilay degaankaas

0

DHABAD (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud, Mudane Aadan Cabdinuur Galaal ayaa ka warbixiyey fal argagax ku abuuray dadka degaanka, kaas oo lagu dilay labo carruur ah oo walaalo ahaa, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degaankaasi.

Galaal ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo goobta isaga baxsaday, wuxuuna sheegay inay wadaan baaris ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in odayaasha dhaqanka deegaanka ay dhankooda ku howlan yihiin arrintaan, si la’isaga kaashado soo qabashada maleeshiyaadka dilka geystay.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here